Ciidamada Ilaalada Kacaanka dowladda Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro loo adeegsaday Gantaallaha ballistic-ga ah oo lagu qaadaya magaalada Irbil ee caasimadda gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.
Bayaan kasoo baxay ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in maanta oo Axad ah ay bartilmaameedsadeen “xarunta istiraatiijiga ah” ee Israa’iil ku leedahay Kurdistan. “Weerar kasta oo soo noqnoqda oo Israa’iil ah waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag, go’aan adag iyo burburin,” ayaa lagu yiri bayaanka IRGC.
Israa’iil ayaa horaantii todobaadkan ku dishay laba xubnood oo Iranian ah oo ka tirsan kooxda IRGC weerar ay ku qaaday ee dalka Suuriya, Waxaan weerarkan uu ahaa jawaab ay bixisay Iiraan.
Saraakiisha Kurdiyiinta CIraaq ayaa sheegay in toban gantaal oo ballistic ah oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku dhaceen magaalada Erbil, iyadoo guddoomiyaha Erbil, Omed Khoshnaw uu u sheegay warbaahinta inuu jiro weerar argagixiso oo ka dhan ah Qunsuliyadda Mareykanka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarkan “weerar aad u fool xun” balse wuxuu sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay.
TV-ga qaranka Ciraaq oo soo xiganaya ciidamada ismaamulka Kurdiyiinta ee ka dagaalama Ciraaq ayaa sheegay in 12 gantaal oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku dhaceen Erbil.
Masrour Barzani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha maamulka Waqooyiga Ciraaq ee Kurdiyiinta (KRG) ayaa cambaareeyay weerarka. Qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ah ee KRG ee Twitter-ka, ayuu Barzani ku yiri: “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday dhowr meelood oo Erbil ah.”
Dhinaca kale maamulka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa beeniyay in xarunta la weeraray ay tahay xarun ay Isreal ku leedahay magaalada Erbil, waxayna caddeyeen in xaruntaasi ay ahayd mid rayid ah.
Ciidamada Maraykanka ee fadhigoodu yahay garoonka caalamiga ah ee Erbil ayaa dhowr jeer oo hore la kulmay weeraro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay saraakiisha Maraykanku ku eedeeyaan kooxaha hubaysan ee Iran taabacsan, balse ma dhicin weeraro noocan oo kale ah dhowr bilood.
Markii ugu dambeysay ee gantaalada balaastikada ah lagu hago ciidamada Mareykanka waxay ahayd Janaayo 2020 – aargudasho Irani ah oo ku saabsan dilkii Mareykanka horaantii bishaan lagu dilay taliyihii militariga Qassem Soleimani ee garoonka diyaaradaha Baghdad.
