Tuesday, June 24, 2025

Ilhaam Cumar: “Taksiile ayaa ii hanjabay iiguna dhaartay inuu xijaabka iga tuurayo..” [DHACDO CUSUB]

Wade-taksi ayaa hanjabaad kula kacay isla markaana cabsi geliyay gabadha Soomaaliyeed ee ka tirsan aqalka senet-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortey aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota, islamarkaasna noqotey haweeneydi ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqoto ayaa waxaa handadey Arbacadii shaley, wadihii tagsi ay ka raacdey magaaladan Washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Sida ay Ilhaan ku qortey boggeeda Facebook, waxaa ay sheegtay in ay la kulantey Islam naceyb uu ku sameeyey wadihi tagsi ay u isticmaaleysay in hotelka ay daganeyd ay ku tagto.

Ilhaan, ayaa Aqalka Cad kaga qeyb gashay kulan ku saabsanaa inay wax ka barato sida ay gobollada u dhaqan galin karaan siyaasadaha qaar, oo ay sheegtay inay xiiso gaar ah u qabtay.

Sida ay sheegteyna, waxaa uu ku sheegey in ay ka mid tahay ISIS, wuxuuna ku dhaartey in uu xoog xijaabka uga qaadayo.

Waxay sheegtay in dhacdadan ay naxdin ku reebay oo ay weli aysan ka soo kabsan wixii taksiilaha kula kacay iyo heerka uu ka gaaray naceybka dadka Muslimka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON