Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa kalsoonidii musharraxnimo siiyay haweeneyda Soomaaliyeed ee reer ah ee Minnesota ilhaan Cumar
oo 9-kii bishan Ogost ku guulaysatay tartankii kursiga magaaladaasi ee dhex maray labada musharax ee kala ah Phyllis Kahn iyo Mohamud Noor.
Ilhaan Cumar ayaa sidan si buuxda ugu noqotay musharaxa Xisbigeeda Dimoqraadiga u tartamaya bisha November ee 2016 Doorashada ka dhacaysa Mareykanka, waxayna haddii ay guuleysato sida la saadalainayo noqon doontaa xildhibaanka Aqalka hoose ee Baarlamaanka ee gobolka Minnesota.
Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota Ken Martin ayaa soo qoraal uu ku taageerayo musharxnimadda Ilhaan Cumar iyo musharaxiin kale oo helay kalsoonida Xisbiga Jamhuuriga.
Waxaa la filayaa in Ilhaan Cumar ay tartanka kursiga Minnesota ee kama danbeysta ah la gasho Musharaxa Xisbiga Jamhuuriya oo isna ah wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/maalik Askar oo taageero ka heysta Xisbiga Jamhuuriya iyo musharax madaxweynaha xisbigaasi Donald Trump.
Tartanka loo galayo kursiga sharci dejinta gobolla Minnesota ayaa ku soo koobmaya laba qof oo Soomaali ah, waana taariikh cusub.
Goobjooge.com