Tuesday, June 24, 2025
HomeCaalamkaIlhaan Cumar oo jawaab kulul u dirtay Madaxweyne Donald Trump

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul u dirtay Madaxweyne Donald Trump [Taageero ay ka heshay Saxaafadda Mareykanka]

-

- Advertisement -

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyeaha Mareykanka Donald Trump oo ugu baaqay inay xilka iska casisho, kadib hadallo loo micneeyay Yuhuud naceyb oo ay faafisay.

Ilhaan ayaa jawaab culus u dirtay Madaxweyne Donald Trump, waxayna qoraal ay soo dirtay barteed twitter-ka ku tiri: “Waan ku salaamay Trump.. waxaad ka taajirtay noloshaada oo dhan naceyb lid ku ah Yuhuudda, Muslimiinta, dadka Indegenos-ka ah, Soo-galootiga, Madowga iyo kuwo kale.. Anigu dadkii ay ereyadeyda sameeyeen wax baan ka bartay… adiguse goormee sameyn doontaa sidaas…??”

- Advertisement -

Ilhaan oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali ayaa toddobaadkan dhexda u gashay cambaareyn iyo dood weyn oo timid markii ay cambaareysay ururka awoodda badan ee Yuhuudda Mareykanka AIPAC oo ay sheegtay in siyaasiyiinta Mareykanka uu dhaqaale ku siiyo inay taageeraan Israa’iil.

Siyaasiyiin badan ayaa cambaareeyay qoraalka Ilhaam Cumar oo ku tilmaamay inuu yahay Yuhuud Naceyb oo ah mashruuc weyn oo aan loo dhowaan karin dalalka reer Galbeedka, taasoo keentay inay bixiso raaligelin, balse madaxweyne Trump oo xalay ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aanu meel ku lahayn dalka Mareykanka, wuxuuna ugu baaqay Ilhaan inay iska casisho xilka Koongareeska ama ay ka baxdo Guddiga Arrimaha dibadda.

Dood kulul ayaa weli kasocota hadalkii kasoo yeeray Ilhaan Cumar, waxaana saxaafadda Mareykanka sida CNN iyo Washington Post ay si weyn u difaaceen Ilhaan Cumar iyagoo caddeymo u keenay in hadaladda kasoo yeeray kuwo la mida ay hore uga soo yeereen Trump laf ahaantiisa.

Waxaa kaloo Ilhaan Cumar taageero u muujiyey kutlada Progressive oo ay ku midoobeen xildhibaano badan oo ka mida xisbiga Dimoqraadiga, waxayna ka difaaceen weerarka madaxweyne Trump.