Saturday, July 5, 2025

Ilhan Cumar oo ku guuleysatay Doorashadii Kongareska Mareykanka [Haween muslim ah oo la doortay]

Haweeneyda Somali-American-ka ah ee Ilham Cumar ayaa ku guuleystay inay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee loo doorto Koongareeska Mareykanka.

Doorashada Dhexe ee Mareykanka oo shalay loo dareeray dalkaasi ayaa  waxaa soo baxay natiijooyinkii ugu horeeyay iyadoo Ilhaam Cumar la xaqiijiyey inay si fudud ugu guuleysatay kursiga degmada 5aad ee Minnesota.

Ilhan waxaa isku mar la doortay haweeney kale oo asalkeedu yahay Falastiin oo lagu magacaabo Rashida Tlaib oo iyaduna laga soo doorotay Michigan, taasoo ahayd haweeneydii koowaad ee muslim ah oo Koongareeska Mareykanka loo doorto, halka Ilhaan ay noqotay tan labaad.

Dabaaldeg xoog leh ayey Soomaalida Minnesota u sameeyeen guusha taariikhiga ah ee Ilhaan Cumar kasoo hoysay inay ka mida noqotay mudanayaasha Koongareeska Mareykanka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON