Friday, July 4, 2025

Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka abaabulay kulan lagu duubay Imaam cusub.

Imaamka oo ka hadlayey kulan ay Qoyska Boqortooyada reer Imaam ee Beesha Awbkar ku yeelatay Muqdisho ayaa Cali Mahdi u diray farriin ah inuusan isku dirin Reer Imaam oo faraha kala baxo arrimaha dhaqanka, wuxuuna u sheegay inuusan mahdin doonin haddii uu jidkaas ku socdo.

“Cali Mahdi waaan leeyahay ha naga leexdo reedeenna (dhinaceena) tub ha uga baxdo.. Cali Mahdi waa is bedelay, sidii lagu ogaa maaha.. Reer Imaam haka leexdo, hadduusan ka leexan intuu maanta yahay isagoo ka hoos ah ayuu ka leexanayaa.. dagaal la geli meyno laakiin frta ayaan ku fiiqeynaa..” auu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Wuxuu shaaca ka qaaday inuusan jirin imaam kale oo Beesha leedahay, isagoo ku tilmaamay mid siyaasad lagu wato oo lagu doonayo in saxiixlooga helo, laakiin wuxuu ku adkeystay inuu ka mid yahay 135-ta oday ee sharciga ah, cid aan isaga ahayna aysan magaca Imaamka wax ku saxiixi karin.

Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON