Friday, June 27, 2025

Imaamka Muddulood & Duubab dhaqameed la socda oo tegay Beledweyne [Akhri qorshaga loo diray & cidda ka dambeysa]

Wafdi isugu jiray Duubabka dhaqameed iyo odayaal uu hogaaminayo Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf ayna ka mid yihiin Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo xubno kale ayaa maanta duhurtii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo duubka oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Ugaasyada beelaha Hiiraan, waxgarad iyo mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inay wadahadal la yeeshaan Duubabka dhaqanka ee Beelaha Hiiraan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in socdaalka Duubabkan ay ku lug leedahay dowladda Federaalka siiba madaxweyne Xasan Sheekh oo culeys weyn ka heysto Gobolka Hiiraan iyo shirka dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo hakaday.

Oadayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa qaadacay inay la kulmaan Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Somaaliya oo muddo laba toddobaad ku dhowaad ah ku sugan Magaalada Beledweyne, waxaana arrintan loo arkaa in dhinaca dhaqanka oo ahaa kaartadii ugu danbeysay ee Xasan Sheekh uu dhaqaajiyay, inkastoo aan la hubin inay guul ka keeni doonaan iyo inkale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON