Wednesday, July 9, 2025

Imaamka Beelaha Muddulood oo casumaad u sameeyay safiirka Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Imaamka Beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa casuumaad u sameeyay Safiirak Turkiga u fadhiga Soomaaliya Olgan Beker.

Qado sharafta ayaa ka dhacday u Hotel Bech View ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Safiirka Ugaaska Beesha Mudulood Maxamuud Cali Ugaas Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, wasiir dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur, Wasiir ku xigeenka Dekadaha Cismaan Maxamed Daallo, Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Agaasimaha Guud Wasaarada Dekadaha Cismaan Dhagaxtuur Gudoomiyaha Bulshada Rayidka Muxidiin Xasan Afrax,  Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Waxaa kaloo markii danbe Qado sharafta tegay la-taliyaha Madaxweynaha ahna duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo safiirku ka mahadnaqay martiqaadka Imaamka Hiraab iyo cuntada dhaqanka Soomaalida ee lagu casuumay, waxaana halkaasi laga jeediyay khudbado la xiriira taariikhda xiriirka beelaha Muddulood iyo Turkiga.

Qado sharafta ayaa daba joogtay kulan Imaamka iyo safiirka hore u dhex maray, waxaana markii ugu horeysay ee odayaasha dhaqanka iyo safiirka is arag noocan oo kale ah dhex maro.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON