Dowladda Imaaraadka ayaa shalay ku dhawaaqday taageero ay siineyso dhaawacyada Qaraxiii Muqdisho iyo kaalmo kale oo caafimaad.
Wakaalladda Wararka dalkaasi ee WAM ayaa sheegtay Imaaraadka uu kafaalo qaadayo caafimaadka 100 qof oo dhaawac ah, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaallo ku yaalla dalka Kenya, iyadoo ay kharashkooda bixineyso Imaaraadka.
Amar kasoo baxay Madaxweynaha, dalkaasi ku xigeenkiisa, Xaakimka Dubai ayaa lagu faray Bisha Cas ee Imaaraadka inay si degdeg arrintaas u guda gasho iyadoo daawooyin fara badan la geynayo isbitaalda Soomaalida ee ka tacaalaya dadka ku dhaawacymay qaraxii Muqdisho.
Waxay kaloo Imaaraadku Sheegeen inay kafaalo qaadi doonaan 300 agoon oo ah caruurta dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho muddo lix bilood ah, kadibna loo wareejin doono hay’adda agoonta taageerta ee Imaaraadka.
Waxaa hore dhaawacyo qaaday ama u kafaalo qaaday dalalka Turkiha, Qatar iyo Kenya, iyadoo deeqo badan loogu yaboohay dadkii ku waxyeeloobay qarixiiq weynaa ee ka dhacay Muqdisho.
Goobjooge