Monday, July 7, 2025

Imaaraadka oo iska diiday inay cambaareyso Ruushka (Dalalka Golaha Amniga ee taageeray Russia)

Maxaa keenay inay Dalalka Khaliijka ka gaabsadaan Dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday inay cambaareyso duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, iyadoo markii labaad ka gaabsatay qaraarro ka dhan ah Ruushka oo la geeyay Golaha Amniga ee Q/Midoobay oo ay ka mid tahay xilligan.

Imaaraatka Carabta ayaa Axadii shlay mar lanaad ka aamustay qaraar ku saabsan in cambaareynta Dagaalka Ruushka loo wareejiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay markii ay codka qayaxan ee VETO adeegsatay Russia.

“Imaaraadka Carabta waxay aaminsan yihiin in dhinac la jirka ay kaliya horseedi karto rabshado kale” ayuu yiri Anwar Gargash, oo ah Wasiiru dowlaha arimaha dibadda Imaaraadka Carabta iyo la-taliyaha diblomaasiyadda ee hoggaamiyaha UAE.

“Imaaraadku mawqif adag ayuu ka taagan yahay Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah, iyo madax-banaanida dawladaha, isaga oo diidaya in xal milatari la helo,” ayuu yidhi Gargash.
Xiisadda Ukraine, mudnaantayadu waa inaan ku dhiirigelinno dhammaan dhinacyada inay ku dhaqaaqaan tallaabo diblomaasiyadeed iyo inay ka wada xaajoodaan sidii xal siyaasadeed loo heli lahaa.”

Imaaraadku wuxuu sidoo kale Jimcihii ka aamusay inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambnaaeryn lahaa Werarka Ruushka ee Ukraine.

Inta badan wadamada Khaliijka ayaa ka aamusay duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine, taasoo ka careysiisay Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

Dalalka Golaha Amniga ee ka aamusay in Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa kala ah: China, India iyo Imaaraadka Carabta, waxaana codka qayaxan ee VETO adeegsaday Ruushka, halka labadii qaraar ee Mareykanka iyo Reer Galbeedka wateen ay fashilmeen, iyadoo kadibna la isla aaday Golaha Guud oo go’anadiisa aysan waajib ahayn in la fuliyo.

Sacuudiga ayaan wax go’aan ah ka qaadan weli, waxaa kaloo ka gaabsaday oo Baxrayn, iyo Cumaan, halka Imaaraadku dhexdhexaad iska dhigay, taasoo loo macneeyay inuu Ruushku taageerayo.

Dalalka Kuwait iyo Qatar oo kaliya waxay dhaleeceeyayn rabshadaha, iyagoo ka gaabsaday inay dhaleeceeyaan Dowladda Ruushka.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay inuusan jrin xiriirfiican oo dallaka Khaliijka kala dhaxeeya Ukraine, balse intooda badan ay heshiiyo waaweyn kula jiraan Ruushka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON