Sunday, July 13, 2025

Imaaraadka oo maanta Maxkamadda Adduunka loo soo taagayo Dacwad ay ka gudbisay Dowladda Qatar [Akhriso]

Maxkamadda Calaamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa maanta  dhageysaneysa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ay ka gudbisay dowladda Qatar, iyadoo wakiilo ka socta Imaaraadka ay hortegayaan maxkamadda.

Fadhiga Maxkamadda ku dhageysaneyso dacwadda Qatar ee ka dhanka ah Imaaraadka ayaa socon doonta inta u dhaxeysa  27-ilaa 29-ka bishan iyadoo fadhigu noqon doono mid furan, waxayka ka danbeysay dacwad ay maxkamadda geysay 11-kii June 2018, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda ICJ.

Dacwadan ayaa ku eedeyneysa Imaaraadka Carabta inay falal ka baxsan xuquuqda aadanaha kula kacday dadka u dhashay dalka Qatar ee ku sugnaa Imaaaraadka, sida in laga joojiyo waxbarashada, caafimaadka iyo dalkaasi laga saaro qoysas la kala qeybiyay, waxaa kaloo dacwadda ku jira xayiraadda ay Imaaraadka saartay Qatar iyo ololeyaal lagu sumcad dilayo qaranimad Qatar oo ay maalgelisay UAE.

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa ah tan ugu sarreysa Cadaaladda dunida ee Q/Midoobay, waxaana dacwadan ka timid Qatar ay ku wajahan Imaaraadka oo ah dalka ugu weyn ee cadaawadda ay kala dhaxeyso.

HOOS KA AKHRSO QORAALKA MAXKAMADDA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON