Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad sida deeq Qalab Caafimaad ayaa goor dhoweyd ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Deeqdan ayaa ka timid dowladda Imaaraadka Carabta iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ugu deeqday dowladda Soomaaliya si ay loola tacaalo cudurka Coronavirus, Inta badan deeqda waxaa leh Hay’ada WHO, iyadoo Imaaraadka ay tahay deeqdii saddexaad ee uu Soomaaliya siiyo, iyadoo hore diyaarado kale ugu dirtay magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso.
Qalabka deeqda caafimaad oo gaareysa 27 tan ayaa waxaa wadajir ugu deeqay Somalia hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Dowladda Imaaraadka, waxayna kaafiyaan 27,000 shaqaale caafimaad ah oo cudurka Coronavirus la tacaalaya.
20 tan oo Qalabkan caafimaad ah waxaa ku deeqay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, halka Dowladda Imaaraadka ay ku deeqday 7 Tan, waxaana a mida: Dharka ay dhaqaatiirta ka difaaca viruska (PPE), gacmo-gashi, Maasgaro iyo qalab kale oo caafimaad, waxaana Garoonka ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la wareegay deeqdan.
Imaaraadka oo xiriirka uu la yeelaya dowladda Soomaaliya aanu wanaagsaneyn ayaa kasoo hormaray dalalka Qatar iyo Turkiga oo la filayay inay deeq qalab caafimaad soo gaarsiiyaan Soomaaliya, kadib markii ay codsi u dirtay dowladda Soomaaliya.