Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dowladda Imaaraadka ay si degdeg ugu yeertay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo sidii uu ugu dhoofi lahaa magaalada Abu dhabi, iyadoo socdaalkiisu la xiriiro heshiiska muranka dhaliyay ee shirkadda Imaaraadka ee DP World kula wareegtay maamulka dekada Berbera, isla markaana saami laga siiyey dalka Itoobiya.
Imaaraadka ayaa la sheegay inay wado qorshe ku saabsan dedejin heshiisyo kale oo ay la gasho Somaliland iyo taageero dhaqaale oo shaqsi ahaan ay u siineyso madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu booqdo Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyadu Somaliland ay ku amartay Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland inay 24 saacadood ah uga guurto garoonka diyaaradaha magaalada oo la filayo in Imaaraadka lagu wareego.