Monday, July 14, 2025

Imisa Madaxweyne ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho?

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shir madaxeedkii ugu horeeyay ee IGAD lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaam Cumar Hadliye oo ayaa sheegay in  shir madaxeedka IGAD uu ka dhici doono Mudisho 10-ka bisha Septembar, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madaxweynayaasha IGAD.

Waxaa uu sheegay in shirkan ay ka soo qaybgeli doonaan Madaxweyne-yaasha Uganda, Yoweri Museveni, South Sudan, Salva Kiir, Kenya, Uhuru Kenyatta, Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Sudan, Omar Hassan al-Bashir oo sida uu sheegay ay macquul tahay in shirku uu ka soo qaybgalo

”Sanadkii Hore Wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka IGAD ayaa ku kulmay Muqdisho, Waxaa lagu balamay in shirka Madaxda dalalka IGAD uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, Madaxda imaan doonto waxaa kamid ah Madaxweyneyaasha Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya”. Ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Wasiir Hadliye ayaa tallaabadan ku sheegay in ay meesha ka saari doonto Cabsida iyo Madmadoowga ay Kooxaha Argagixisado dooneyso in ay ka abuurto Soomaaliya,isagoo xusay in maata Soomaaliya ay mareyso Marxaladdii ugu dambeysay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, lagana gudbiyo mugdigii iyo cabsidii ka jirtay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay sida Urur gobaleedka IGAD uu u garab istaagay Soomaaliya iyo dadaalka ay mar walba ugu jiraan daganaashaha iyo hormarka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON