Kooxda Al-shabaab ayaa shaaciyay Liiska dadka ay ku dileen qaraxyo iyo falal khaarijin ah, kadib intii xilka madaxweynaha loo doortay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo bil ah kasoo wareegtay.
Dadka la dilay iyo kuwa Qaraxyada ku dhintay ayaa ka badan bilihii ka horeeyay, waxayna Alshabaab sheegtay in dowlada cusub ay ku fashilantahay ammaanka.
HOOS KA AKHRISOÂ LIISKA DADKA ALSHABAAB SHAACISAY
February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado. Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.
February15, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne. Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah.
February18, 2017  waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF. Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada shisheeye iyo maamulada ku daaban.
February18, 2017  waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere. Rasaas lagu shannaqay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka DF ay sheegtay iney cambaareeneyso.
February 21, 2017 Â Â waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.
February 22, 2017 Â waxaa madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee ciidankii circa Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.
February 24, 2017 Â waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.
February 25, 2017   waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug. Rag hubeysan ayaa kheyre ku beegsaday isgoyska Cali kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana marka oday la dilo caasimadda caan ka noqotay iney dadku is weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ma xildhibaanada ayuu wax kasoo xulay?.
February 26, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan usoo noqday. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Mursal ayaa lagu dilay xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley, kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaari uu watay, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
February 27, 2017  waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, waxaana dhacday inuu isagu ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa, balse waxaa ku geeriyooday darawalkiisii, sidoo kale isla maalintaas waxaa askari ka tirsanaa DF lagu dilay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid.
February 27, 2017  waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay. Askarta iyo saraakiishooda oo mooday in gaariga looga tagay, ayaa si ay u boola xoofteeyaan saxaafadda isugu yeeray, laakin waxaa halkaasi ka raacay dhibaato ku keentay dhimashada in ka badan 4, dhaawac iyo waji gabax, kadib markii lagu qarxiyay gaariga xilli ay ku xoonsanaayeen.
February 28, 2017 Â waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo ay dhib weyn ku qabeen shacabka degmada Dharkeenley. Askarigan oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad ayaa lagu dilay xaafadda Macallim Nuur ee degmadaasi, iyadoo daqiiqado kadib dilkiisa ay goobta soo gaareen saaxiibadiis Nabad sugidda.
February 28, 2017 Â waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.
February 28, 2017  waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe. Af-leeshe ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax, kaasoo lala beegsaday xilli uu gaarigiisa saarnaa islamarkaana uu marayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
March 06, 2017Â waxaa howl gal abaabulan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.
March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray rasaas. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) islamarkaana ahaa gudoomiyaha Laanta Sahan ee waaxda Heegan ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.
March 08, 2017 Â weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanadaku soo dooratay Galmudug.
March 09, 2017 Â oo ku beegneyd habeenkii xalay waxaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Minishiibiyada DF, waxaana lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamuud Maxamed. Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka sarkaalkan ay geysteen rag hubeysan oo aanan la garan.
March 02, 2017 Â waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo.
March 04, 2017 Â waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu kasoo gaaray xubno ka tirsan maamulka Gaas ee Puntland.
March 08, 2017  waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo gaarigiisa wata lala beegsaday qarax xooggan. Xildhibaankan ayaa qeyb ka ahaa gudiga ammaanka isagoo ku lug lahaa dagaaladii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Suuj iyo Garacad. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu dhaawacay xildhibaankan, iyadoo maamulka Puntland uu aad uga murugooday dhacdadan.
March 08, 2017 Â weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.
Waxaa xusid mudan in Alshabaab ay dad shacab ah oo ka badan 40 ku dishay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay suuqa Kaawo-Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Warbixinta  Warbaahinta Alshabaab