Friday, June 27, 2025

Golaha Wasiirada oo ka badbaaday kala jab

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ka badbaaday inuu kala qeybsamo kadib markii uu baaqday kulankii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen Khamiis waliba 18 September 2014.

Kulankan ayaa la sheegay in looga doodi lahaa arrinta xil ka qaadsitii Taliyaha Nabadsugidda C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ay wateen qaar kamida golaha wasiirada oo gacan saar la leh madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaanahan olole weyn ugu jiray in Golaha wasiirada ka noqdaan go’aankii ay xilka uga qaadeen taliyaha Nabadsigudda oo ay isku dhaceen Ra;iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa una codeeyeen Golaha wasiirada in xilka laga qaado.

Kulanka baaqday ayaa ahaa xeelad looga badbaadayo kala qeybsan ku yimaada golaha wasiirada oo in badan oo ka mida laga soo diyaariyay xafiiska madaxweynaha, xilli uu dalka ka maqan yahay ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON