Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyo ka badan 10 oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Weerarka oo ka dhacay degaanka Ban-mareer oo ku dhowaad 50 KM u jirta magaalada Xudur ayuu Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow shaaciyey in lagu dilay 13 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab oo halkaasi fariisin u ahayd.
Dhinaca ciidamada dowlada ayuu sheegay inuu ka dhintay hal askari, aba kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinac Alshabaab.
