Dad badan ayaa ku dhintay qaraxyo is daba joog ah oo lagu qaaday Kaniisado iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dadka qaraxyada ku dhintay ay gaarayaan in ka badan 137 qof.
Waxaa lasoo weriyey inay ilaa 6 qarax ka dhaceen kaniisadaha iyo hoteellada la weerarray, iyadoo lagu soo beegay ciidda Masiixiga ay masiixiga u dabaaldageen ee loo yaqaan Easter-ka, waxayna ka kala dhaceen kaniisadahaa degaanada Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa. Ugu yaraan laba ka mida qaraxyada ayaa ahaa kuwo is-miidaamin ah, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Waxaa kaloo qaraxyo lala beegsaday hoteellada kala ah: Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo ku yaalla caasimadda dalka Srilanka ee magaalada Colombo. dadka ku dhaawacmay qaraxyada ayaa sare u dhaafaya 250 qof oo la dhigay isbitaallada magaalada.
Waxaa la sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin Dalxiiseyaal shisheeye, waxaaana Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena uu ka codsaday dadka dalkaasi inay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka iyo ciidamada Booliska.
Srilanka ayaa waxa ku nool Dad u badan Buudiyiin, iyadoo dhowaanahan ay rabshado dhex mareen Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Budiistayaasha.waxayna Buudiistuhu gubeen masaajidda iyo hantida dadka Muslimiinta ahi.




