Xafiiska musuqmaasuqa culus ee Ingiriiska ayaa shaaciyay inuu baarayo eedeymo musuqmaasuq oo ay ku lug leeyihiin shirkado qaabilsa arrimaha shidaal baarista Soomaaliya, kuwaasoo kala ah:
SOMA Oil & Gas Holdings Ltd,
SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo
SOMA Management Limited
Warka ka soo baxay xafiiskan oo uu tarjumay Yuusuf Garaad Cumar waa kan hoos ku qoran
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
UK oo baareysa eedeyn Musuqmaasuq Soomaaliya
Xafiiska [la dagaallanka] Musuqmaasuqa Culus ee UK ayaa xaqiijiyay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musmuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.
Warku wuxuu sheegay in dadka xogta hoose bixiya ay ilo muhiim ah u yihiin baaritaanka kiisaska SFO. Wuxuu raaciyay “Waan soo dhoweyneynaa cid kasta oo xog hoose ka haysa kiisaska aan baareyno oo uu kani ka mid yahay”.
Dadka waxaa loo sheegay in sirta ay bixiyaan loo xafidi doono. “Waxaad nagula soo xiriiri kartaa hab aan leennahay oo asturan, oo laga soo geli karo barta internetka SFO”.
Fiiro Gaar ah wuxuu warku bixiyay in SFO lagala xiriiri karo halkan ama barteeda Internetkawww.sfo.gov.uk.
Waxaa dadka loo tilmaamay in ciddii email u direysa ay raaciso ereyga “SOMA” halka ujeeddada emailka lagu qoro.
FCO waa Waax Madax bannaan oo Dowladda UK ay leedahay oo mas’uul ka ah baaritaanka iyo dacwad soo oogidda musuqmaasuqa culus ee silloon, laaluushka iyo wax isdaba marinta. Waxaa madax u ah Agaasime, David Green CB QC.
Afeef: Weriyayaasha warkan soo xiganayaa waxaan ka dalbayaa in aanay waxba ka beddelin cinwaanka iyo qormada inteeda kale, waxba ku darin, waxna ka reebin maaddaama ay tahay xasaasi una qoran tahay hab qaanuuni ah.
Dhamaad tarjumidii Yuusuf Garaad
[spacer color=”8BC234″ icon=”fa-star-o” style=”2″]
[ad name=”HTML”]
Qoraalka oo af Ingiriis ah ka akhri hoose
SFO opens investigation into SOMA Oil & Gas
31 July 2015
The SFO confirmed today that it has opened a criminal investigation into SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited, SOMA Management Limited and others in relation to allegations of corruption in Somalia.
Whistleblowers are valuable sources of information to the SFO in its cases. We welcome approaches from anyone with inside information on all our cases including this one – we can be contacted through our secure reporting channel, which can be accessed via the SFO website.
Notes to editors:
- Further details on reporting information to us can be found here or on our website home page, www.sfo.gov.uk. Please ensure that any emails with information relating to this investigation contain the word “SOMA” in the subject line.
- Please note that the SFO’s investigation concerns SOMA Oil & Gas Holdings Ltd (registered number with Companies House: 08506858), SOMA Oil & Gas Exploration Limited (registered number: 08619726) and SOMA Management Limited (registered number: 08619760).
- The Serious Fraud Office is an independent government department responsible for investigating and prosecuting serious and complex fraud, bribery and corruption. It is headed by the Director, David Green CB QC, who exercises powers under the superintendence of the Attorney General. These powers are derived from the Criminal Justice Act 1987.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]