Wednesday, June 25, 2025

Ingiriiska oo Malaayiin Doolar ugu deeqay dhismaha ciidamada cusub ee Soomaaliya [Akhriso]

Dowlada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay malaayiin Doolar oo lagu taageerayo Qorshaha csub ee dhismaha ciidamada Soomaaliya.

“UK oo kaalin hormuud ah ka qaadaneysa taageerada caalamiga ah ee lagu hormarinayo nabadda Soomaaliya waxay bixin doontaa lacag dheeraad ah oo gaareysa £21 Milyan oo Gini (27 Milyan oo Doolar).. ” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda UK.

Taageeradan ayaa dhameystir u ah taageerada ay UK bixiso ee ay ka mid yihiin tababarka ciidamada Soomaaliya, Booliska, iyo ka hortagga argagixisada.

Taageerada dhaqaale ee UK la garab istaagtay qorshaha cusub ee dhismaha ciidamada Soomaaliya ayaa ka danbeysay heshiis ay madaxda Soomaalida ku gaareen in ciidamo gaaraya 18,000 milateri oo hab maamul goboleed loo qeybsaday.

Ingiriiska ayaa taageerada dhaqaale ku soo beegay furitaanka shirka arrimaha Soomaaliya ee 11-ka May ka furmi doona magaalada London.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON