Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la joojiyay inta badan shaqadii Isbitaalka Erdogan (ex. Difgeer) marka laga reebo xaaladaha degdega ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii laba ka mida shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka laga helay cudurka Coronavirus, iyagoo ka mid ahaa 9 qof oo xalay ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in laga helay cudurka. (Akhriso)
Isbitaalka oo ahaa kan ugu weyn ee magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya ayaa kaliya qaban doona xaaladaha degdegga ah sida dhaawacyada dhiigbaxa leh iyo dumarka foolanaya, waxaana gebi ahaan la xiray howlihii bukaan-socodka ee isbitaalka oo maalin kasta ay boqolaal qof tegi jireen.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in qaar ka mida shaqaalaha iyo dhaqaatiirta isbitaalka ay galeen is-karaantiil markii saaxiibadood laga helay cudurka Covid-19.