Thursday, June 26, 2025

Internet la’aanta Muqdisho oo gashay toddobaadkii koowaad & saameynta Warbaahinta

Internet la’aanta ka taagan Koonfurta Soomaaliya ayaa gaartay muddo toddobaad ah kadib markii adeeggaasi uu hawada ka baxay habeenkii ay ciidul firtiga soo galeysay.

Markab ganacsi oo dekadda Muqdisho ku socday ayaa la sheegay inuu jiiray xarkihii adeegga internetka ee Badda hoostiisa mara, waxaana ciladu noqotay tii ugu cusleyd ee muddo badan qaadata.

Arrintan ayaa saameyn xun ku yeelatay dhammaan hay’adaha ganacsiga, warbaahinta iyo kuwa dowladda, waxaana 90% maqan wada xiriirkii bulshada Koonfurta Soomaaliya iyo calaamka intiisa kale.

Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in maqnaanshaha  adeegga internetka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay shaqada warbaahinta oo 80% ku tiirsaneyd, iyadoo toddobaad ay gaartay.

Ma jirto waqti go’an oo loo qabtay soo noqoshada adeeggan, waxaana la filayaa inuu toddobaad kale qaato. Adeegyo aad u tayo hooseeya oo satelite ku shaqeeya ayaa shirkadaha qaarkood bixiyaan kuwaasoo madax xanuun ku riday dadka adeegsaday.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON