Wednesday, June 25, 2025

Is-casilaadii Wasiirada la magacaabay ee Hirshabeelle oo bilaabatay & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay bilaabatay is casilaadda wasiirada uu shalay soo magacabaay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Wasiirka Is-casilay ayaa ah wasiirka oo loo magacaabay Beeraha iyo waraabka oo lagu magacaabo Cali Xaaji Cabdulle (Isgow), wuxuuna sheegau inuu isu casilay isagoo aan lagala tashan, isla markaana beeshiisa kasoo horjeedo xilka loo dhiibay.

Beesha Jareer ayaa hore looga ballanqaaday in la siinayo xilka Wasiirka Maaliyadda maamulka kadib markii ay ka hartay tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakin madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilkaasi u magacaabay nin ay saaxiibo iyo isku beel yihiin.

Magaalada Jowhar oo maanta uu ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo magacaabidda Golaha wasiirada, waxaa ka socda mooshin ka dhan ah madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana lagu wadaa in wasiiro kale ku dhawaaqaan is-casilaadooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON