Shir ay magaalada Qaahira ku yeesheen isbaheysiga dalalka qaadacay dalka Qatar ayaa laga soo saaray bayaan lix qodob ka kooban oo ku saabsan jawaabtii Qatar ka bixisay 13-kii dalab ee ay u direen.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirada arrimaha dibadda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ayay ku sheegeen in jawaabta Qatar ay ahayd mid aan lagu qancin oo aan la aqbali karin.
Afarta dal oo la filayay inay go’aano adag oo cusub soo saaraan ayaa ku gaabsaday inay shir kale ku yeelan doonaan dalka Baxreyn oo ay arrintan uga hadli doonaan, waxayna sheegeen in Qatar laga doonayo inay ka mid noqoto dalalka Khaliijka ama ay isaga baxdo.
Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in xayiraadda la saaray Qatar ay sii socon doono, isla markaana ay ka tashan doonaan tallaabooyinka xiga.
Bayaanka lixda qodob ka kooban ee kasoo baxay shirka afartaGulf cri dal ee ka horjeeda dalka Qatar ayaa ahaa kuwo aanay ku jirin go’aano cusub, isla markaana ka hadleynin jawaabtii ay u dirtay Qatar.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi inta uu socday shirka afarta dal, taasoo la filayo inay xaaladda wax ka bedeshay.