Wednesday, June 25, 2025

Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka oo Qalalaase siyaasadeed ka abuuray Maamulka Galmudug [Warbixin]

Madaxda maamul goboleedka Galmudug ayaa isku khilaafay taageerada isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka horjeeda dalka Qatar.

Qoraal uu soo saaray madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo uu ku garab istaagay Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka hor yimid ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamanka maamulkiisa, taasoo keentay in Xaaf uu qoraal kale soo saaro kuna eedeeyo madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xaaf oo isagoo ka maqan xarunta maamulkiisa Magaalada Cadaado soo saaray qoraalka uu uga hor yimid go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisadda dalalka Khaliijka ayaa madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkiisa ku eedeeyay inay qaab qabiil ah uga hor yimaadeen, kuna taageereen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo faragelin ku haya maamulkiisa.

Axmed Ducaale oo dhowaan uun xilka loo doortay ayaa hoggaankiisa siyaasadda u arka mid ganacsi ah, isagoo aan qarin inay arrintan salka ku heyso qaraab iyo dhaqaale, waxaana la is weydiinayaa la-tashi la’aanta uu dowlada Federaalka ku eedeeyay, isagoo aan go’aankiisa ogeysiin kusimihiisa xilka u hayay.

Galmudug oo dhibaatooyin badan ku wareegsan yihiin, isla markaana qalalaase siyaasadeed soo martay oo xilka looga qaaday madaxweynihii hore ayaa mar kale u muuqata in hoggaanka cusub aanu lahayn qorshe iyo qaab uu maamulkaasi uga gudbin karo xaaladda adag ee uu ku jiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON