Tuesday, July 15, 2025

Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka oo Qatar ugu hanjabay tallaabooyin ay ka qaadi doonaan

Isbaheysiga dalalka kasoo horjeeda dalka Qatar ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay tallaabooyin hor leh ka qaadi doonaan dalka yar ee Qatar.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa bayaan ay wadajir u soo saareen ku sheegay in Qatar jawaabtii ay ka bixisay dalabkoodii ay soo saareen 5-tii Bisha June uu ahaa mid aan la aqbali karin oo ay iska dhega tirtay qodobadii laga sugayay inay fuliso.

Bayaanka ayaa intaas ku daray inay afarta dal ay qaadi doonaan tallaabooyin aysan shaacin oo adag si Qatar looga abaalmariyo madax adeyga iyo falalkeeda taageerada argagixisada  ee ay ka wado gobolka oo khalkhal geliyay ammaanka iyo nabadda Gobolka iyo Caalamka.

Hanjabaadda kasoo yeertay isbaheysiga Sacuudiga ee go’doominta ku haya dalka Qatar ayaa timid markii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in khilaafka dalalka Khaliijka uu gaaray heer is mari waa’ ah oo laga yaabo inuu muddo bilo sii socdo, inkastoo Mareykanku meesha ka saaray in awood milateri la isu adeegsado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON