Monday, July 14, 2025

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo isku eedeeyay xasuuqii lagu laayay Qaxootiga Soomaalida

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yeman aya beeniyay in diyaarad ay leeyihiin ay duqeysay Doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaali oo lagu dilay 42 qof.

Afhayeenka Isbaheysiga Sacuudiga Gen. Ahmed Al-Casiiri ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta ka timid kooxda Xuuthiyiinta ee ah inay ka danbeeyay qaxootiga lagu laayay Badda cas, duleedka magaalada Xudeyda.

Wuxuu afhayeenka u sheegay Arab News in ciidamada Isbaheysiga aanay ku lug yeelan wax weerar ah oo ka dhacay aagga Gobolka Xudeyda, isla markaana aysan jirin hal rasaas ah oo ay rideen.

Sarkaal ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay in Isbahaysiga Sacuudiga ay ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday Doonta sida Qaxootiga Soomaalida.

Labada dhinaca ayaa isku eedeynaya falkii naxdinta lahaa ee lagu laayay 42 qof oo qaxooti Soomaali ah, una badan haween iyo caruur oo ka tegay xeebaha Yeman, kuna sii jeeday dalka Suudaan.

Sawirro: Faahfaahin Qaxooti Soomaali ah oo diyaarad ku leysay Xeebaha dalka Yeman

 

SAWIRRO: Faahfaahin Qaxooti Soomaali ah oo diyaarad ku leysay Xeebaha dalka Yeman

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON