Wasaaradda Shaqada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbedel ku sameystay waqtiga Shaqada shaqaalaha dowladda ee Bisha Ramadaan.
Isbedelka ayaa ku kooban Bisha Ramadaan, iyadoo isbedelku saameynayo saacadihii ay shaqaalaha dowladda shaqada geli jireen, kana bixi jireen.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu caddeeyay in bisha barakeysan ee Ramadaanka ay shaqaalaha dowladda shaqada gelayaan 9:00-ka subaxnimo ayna ka bixi doonaan 3:00-da Galabnimo.
Arrintan ayaa loo same muhiimada bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaana ahmiyad gaar ah la siiyay shaqaalaha dowladda.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u kordhiyay waqtiga shaqada ee shaqaalaha dowladda oo laga dhigay 8:00 subaxnimo ilaa 4:30 Galabnimo.