Monday, July 14, 2025

Isbedel lagu sameeyay taliska Ciidamada milateriga & Abaanduulihii oo xilkii laga qaaday

Waxaa maanta isbaddel lagu sameeyay taliyeyaal sare oo ka tirsan hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay saameyn ku yeelatay abaanduulihii, waxaana taliska sare lagu soo biiriyey sarkaal cusub.

Xilka ugu muhiimsan ee isbedelkan uu keenay ayaa ah Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed oo loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka, isagoo hore u ahaa u qeybsanaha arrimaha Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.

Dhinaca kale Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusug Raage ayaa xilka laga qaaday iyadoo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, waxaa kaloo Jeneral C/rashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka.

Waxaa kaloo la magacabaay Taliyaha ciidamada Badda oo loo magacaabay Admiral Cabaas Amiin Cali. Isbedelkan ayaa imaanaya iyadoo dib u habeyn ku socoto ciidamada xoogga dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON