Friday, June 27, 2025

Isbitaalkii Imaaraadka ee Sheekh Zayid, Magaalada Muqdisho oo shaqadii joojiyey

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Imaaraadka ay joojisay shaqadii Isbitaalka Sheekh Zaid ee degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Ilo ka tirsan shaqaalaha Isbitaalka ayaa sheegay in lagu wargeliyay in shaqadii isbitaalka la hakiyey ilaa mar dambe, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta loo joojiyey shaqadii Sheikh Zayed Hospital ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalka ayaa bixin jiray adeeg caafimaad, inkastoo lagu tilmaami jiray mid aan dhismihiisu fiicneyn oo magac ahaan u jira, isla markaana aan ka mid ahayn isbitaallada waaweyn ee magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON