Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: ISIS Miyaa ku lug yeelatay Qaraxii Diyaaradda Daallo?

Dowladda Somalia ayaa weli wada baaritaanka dayuuraddii Daallo ee qaraxa la doonayay in lagu soo rido ka badbaaday Talaadadii la soo dhaafay ee 2-da bishan Febraayo 2016, iyadoo dowladda ay soo bandhigtay caddeymo horu dhac ah, dadna ay u qabqabatay, haddana weli baarista kiiska dayuuradda ayaan lasoo afjarin weli.

Waxaa xiran dad ka badan 11 qof oo uu ku jiro mid ka mid ah laba qof oo Kaamirada Garoonka Muqdisho ay qabatay iyagoo Labtop la aaminsan yahay in wixii qarxay lagu diyaariyay u dhiibaya nin oday ah, oo qaraxii diyaaradda uu tuuray, kaasi oo meydkiisa laga helay meel ku dhow degmada Balcad.

Greg Barton oo ah khabiir dhinaca arrimaha argagixisada, kana tirsan jaamacadda Deaking ee dalka Australia ayaa aaminsan inay suuragal tahay in weerarkan ay ku lug lahaayeen garabka ISIS ee Al-Shabaab ka go’ay.

Dhageyso wareysi xiiso leh oo VOA la yeelatay Victor Beattie

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON