Sunday, July 13, 2025

Iska hor imaad dad shacabka iyo ciidamada AMISOM ku dhexmaray Magaalada Muqdisho

Iska hor imaad kooban ayaa maqribnimadii caawa ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dad shacab ah.

Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay kadib markii kolonyo ka tirsan AMISOM ay gaari BL ah shil ku galeen suuqa Jaadka ee degmada Hodon oo loo yaqaan Beerta Jaadka, kadibna ay Kolonyada isku damceen inay baxsadaan.

Dadweyne fara badan ayaa hor istaagay kolonyadii AMISOM waxayna ku shiideen dhagxaan, taasoo keentay in ciidamadii AMISOM rasaas xoog leh cirka u ridaan, laakiin dadweynihii ayaa jidkii ay ku socdeen ciidamada AMISOM dhagxaan ku xiray, taasoo keentay inay dib u soo laabtaan ciidamadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay markii dambe isticmaaleen Wado qardo jeex ah, markii ay rasaas badan hawada u rideen, waxayna arrintan ahayd tii ugu horeysay ee Muqdisho ku qabsatay ciidamada AMISOM.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON