Wararka laga helayo Magaalada Cadaado oo xarunta KMG u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in is rasaaseyn ay ka dhacday saldhiga degmada Cadaado.
Dad ku sugan Cadaado ayaa saxaafadda ku sheegay in ciidamo ka wada tirsan Maamulka Galmudug ay ku dagaalameen Saldhigga muddo kooban oo rasaas xoog leh ay ka dhacday halkaasi.
Ma jirto ilaa iminka qasaaraha iska hor imaadka iyo sababta keentay midna, waxaana arrintan ka gaabsaday inay ka hadlaan mas’uuliyiinta Galmudug.
Goobjooge.com