Wararka laga helayo Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa inuu iska hor imaad duleedka Garoonka magaalada ku dhex maray ciidamada Maamulka iyo ciidamo kale oo ka horjeeda.
Dagaalka ayaa xalay xilli danbe ka dhacay dhinaca Bari ee magaalada Garowe, iyadoo wararku sheegayaan in dagaalka uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaartay.
Ciidamada iska hor imaadka dhex maray ayaa kala ah Ciidamada Badda Puntland ee PMPF oo galbinayey Sanaadiiqda Doorashada Puntalnd ee la isku khilaafsan yahay iyo ciidamada kasoo horjeeda oo ka soo baxay Aagaga dagaalka.
Labada ciidan ee iska hor imaadka dhex maray ayaa isku is hor-fadhiya duleedka magaalada Garowe, waxaana ciidamada diidan Doorashada uu wado Madaxweynaha Puntland ay taabacsan yihiin siyaasiyiinta Mucaaradka, iyagoo diidan Sanaadiiqdii codeynta laga saaro Garoonka Diyaaradaha Garowe.
Maamulka Siciid Deni ee Puntalnd ayaa ku adkeystay qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah, iyagoo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay wax ka yar Hal sano, waxaana Doorashadan ka digay siyaasiyiin badan oo Puntland kasoo jeeda.
Iska hor imaadkan ayaa imaanaya iyadoo ay isla xalay War-Murtiyeed soo saareen Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo ka digay in Doorasho aan heshiis lagu ahayn ay keeni doonto qalalaase iyo ami darro.
