Thursday, June 8, 2023

Muuse Biixi oo ku wajahan Duleedka Magaalada Laascaanood iyo Dagaal ka qarxay Degaanada..

Wararka laga helo Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu gaaray magaalada Burco, isagoo ku sii jeeda Gobolka Sool oo dagaallo ay ku dhex marayaan ciidamada Somalilad iyo ciidamada degaanka SSC.

Dhinaca kale dagaal ayaa saaka ka qarxay degaannada Tuulo Samakaab iyo Dhamasaar oo Galbeedka ka xiga magaalada Laascaanood, wuxuuna dagaalka dhex marayaa ciidamada SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada SSC ay weerar ku qaadeen Dhulka Galbeedka magaalada Laascaanood oo ah marinka ciidamada Somaliland ee saldhigooda ugu weyn uu yahay Goojacadde, taasoo keentay dagaalka saaka qarxay.

Ad

Ciidamada Somaliland ayaa dooneysa inay wadadda dheer ka dheereyso ciidamada SSC ee halkaas u dhowaaday, maadaama uu yahay Jid muhiim ah oo ay u marto Sahayda iyo gurmadka, kuna xira magaalooyinka Somaliland.

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada OOG ee gobalka Sool oo ku dhow saldhigga Goojacade, wuxuuna socdaalkiisa kusoo beegmayaa iyadoo Somaliland ay dhowaan xuseyso goobi isu taageeda maalinta 18-ka May.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!