Puntland ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulay weerarkii xalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabd FaaraxJuxa ayaa sheegay inay koox jabhad ah oo uu hogaaminayo gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland ee Khadar Cabdiraxmaan Faroole.
Wuxuu intaas ku daray in weerarka uu ka danbeeyay Madaxweynaha Soomalaiya Xasn Sheekh iyo kooxa reer Nugaal oo uu sheegay inuu doonayo inay rahan u heystaan Puntland, ujeedkuna ahaa in la hor istaago Sanaadiiqda Codeynta, balse ay gudbeen.
“Ergeyga Xasan Shiikh ee Khadar Faroole ayaa ka danbeeyey weerarka sanaadiiqda doorashada, waana qiyaamihii uu sheegey Xasan Shiikh sameeyay warkiisa waan la yaabanayn, balse wuxuu ahaa dhibaato uu isagu qorsheeyay, mar haddii ergaygiigii uu ka danbeeyay..” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in werarka xalay ay ku dhinteen laba askari oo Boolis ah, weliba uu xiran yahay Garoonka magaalada Garowe oo hub waweyn lagu hortaagan yahay.
“Doorashada Puntland waa dhaceysaa.. afar qof oo isku Jufo ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karaan, sharcigaanu ayaan la tiigsaneynaa, waan la tacaamuleynaa..” ayuu yiri Wasiir Juxa.
