Wednesday, June 25, 2025

Iska hor imaad Muqdisho ku dhex maray Ciidamada howlgalka Xasilinta & ciidamo kale

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu iska hor imaad dhex maray ciidamada isku dhafka ee xasilinta ammaanka Muqdishoiyo ciidamo ku sugnaa degmada Wadajir.

Iska hor imaadka ayaa dhex maray labada ciidan kadib markii ciidamada xasilinta ammaanka ee dowladda Federaalka ay dhowaan sameysay ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamo ku sugnaa xaafadda Xaawo Taako oo ah kuwa ilaalada degaanka, agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Lama soo werin qasaare ka dhashay rasaas ay is weydaarsadeen labada dhinac, waxaana xaaladda ku dhex jira saraakiisha labada dhinac oo doonaya inay xaliyaan isku dhaca labada ciidan.

Ciidamo dheeraad ah oo labada dhinac ayaa halkaasi isku hareereeyay, waxaana markii dambe dadaal kadib la kala qaaday, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay xiisadii dib u soo cusboonaatay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON