Sunday, July 13, 2025

Isku day Afgembi oo ka dhacay Maamulka Amxaarada ee Itoobiya & Rasaas ka dhacday BahirDar

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Afgembi dhicisoobay uu ka dhacay maamulka Amxaaradda dalka Itoobiya, kadib markii ciidamo hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaasi.

Xarunta Maamulka Amxaaradda ee Bahr Dar ayaa lasoo weriyey in rasaas xoog leh laga maqlay, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada inqilaabka waday iyo kuwa maamulka Amxaaradda, waxaana la sheegay in xaaladda ay weli kacsan tahay, iyadoo wararka la helayo ay yihiin kuwo aad u kooban.

Ambachew Mekonnen – Madaxweynaha Gobolka Amxaarada

Xoghayaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Negussu Tilahun ayaa warbaahinta u sheegay in afgembiga uu dhicisoobay, isla markaana ciidamada federaalka iyo kuwa maamulka ay xaaladda gacanta ku hayaan magaalada Bahirdar

Kooxo hubaysan ayaa isku dayday i ay afgambiyaan xukuumada degaanka Axmaarada, iyagoo xoog ku galay goob ay ku shirayeen masuuliyiinta Maamulka Axmaarada oo uu ku sugnaa madaxwaynaha maamulka Axmaarada, iyadoo laga hortegay kooxdaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON