Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku shaandheyn lagu sameynayo guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir ka bilaabay degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani oo maanta xilalka loo kala wareejiyay.
Xaflad labada guddoomiye oo ka soo wada jeeda beelaha Banaadiriga xilalka loogu kala bedelay ayaa ka dhacday xarunta Degmada Xamarweyne, waxaana guddoomiyihii degmadaasi C/qaadir Maxamed C/qaadir uu hadda noqday guddoomiyaha Degmada deriska la ah ee Shangaani oo isna guddoomiyaheedii Siciid C/qaadir Siciid uu isi bedelay guddoomiyaha Xamarweyne.
Isku shaandheyn kale ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir xilligan kala guurka ah, iyadoo aan la ogeyn ujeedada isku shaandheyntaasi.
SAWIRRO
Goobjooge.com