Monday, July 14, 2025

Isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidamada xasilinta & Booliska ee ka howlgala Isgoysyada magaalada Muqdisho

Isbedel ku sameysay Ciidamadii ku sugnaa isgoysyada ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo laga qaaday ciidamadii NISA ee xasilinta, laguna bedelay ciidamo boolis ah.

Isbedelka ayaa saameyn ku yeeshay ciidamadii NISA ee fariisimaha ku lahaa Wadadda Wadnaha iyadoo laga qaaday ciidamadaasi, waxaana la wareegay ciidamo boolis ah, halka ciidamadii banneeyay Isgoyska Wadnaha la geeyay Jidka Warshadaha.

Maamulka G/Banadir iyo Saraakiisha Laamaha amniga ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay isbedel lagu sameeyay amniga magaalada Muqdisho, kadib markii qaraxyo is daba joog ah ay ka dhaceen magaalada isla markaana dadka magaalada ay si weyn uga cabteen kala xirnaansha wadooyinka.

Ciidamda NISA ayaa weli ku sugan barta Koontarool ee laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ku dhow Isgoyska KM4 iyo barta Danwadaagta ee degmada Wadajir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON