Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo keenay in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.
Mr. Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono Wasaaradaha Maaliyada iyo Arrimaha Dibedda oo wasiiradii hore u hayay xilalkii laga qaaday.
Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee Golaha Wasiirada.
Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.
Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibddda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhow yihiin Ra’iisal wasaaraha aan ahayn mid la yaab leh isagoo u sharxan madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo sidoo kale aad ugu dhowaa hogaanka sare ayaa xil ka qaadistiisa ay shaki dhalisay