Friday, April 26, 2024

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxweynaha dalka yar ee Geeska Afrika.

Doorasho lasii ogaa inuu ku guuleysanayo oo ay qaadaceen xisbiyada Mucaaradka ayaa la shaaciyey inuu u helay 98.41% codadkii dadweynaha dadka reer Jabuuti ay dhiibteen, iyadoo uu la tartamay nin aan si weyn loo aqoon oo lagu magacaabo Sakariye Ismaciil Faarax oo helay 1.59%.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo dalka Jabuuti ka dhacday Jimcihii 9-ka April 2021 oo codadkii ugu badnaa uu helay Ismaaciil Cumar Geelle.

Ad

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talada dalka Jabuuti kala wareegay Adeerkiis Xasan Guuleed Abtidoon sanadkii 1999-kii, isagoo ku guuleystay doorasho kasta oo markaas kadib dalka Januti ka dhacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON