Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku dhawaaqay inuu markii shanaad isku sharxay xilka madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa shaaciyey sabab yaab leh oo ku dhalisay inuu mar kale xilka u tartamo.
Geelle oo talada dalkaasi qabtay tan iyo sanadkii 1999-kii ayaa ku dooday inuu goa’aansaday inuu ka qeybgalo tartanka Doorashada markii shanaad kadib sida uu sheegay “codsi uga yimid shacabka”.
“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramay BBC-da.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda 74 sano jir ah ayaa sheegtay inuu “gaboobay”, shaqada uu hayeyna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Wuxuuse bedelay go’aankiisii hore ee ahaa inuusan u tartami doonin xilka doorashada mar kale.
