Dowladda Israa’iil ayaa cabsi weyn kasoo wajahday tallaabada uu Ruushku qaaday ee ah inuu Gantaalaha casriga ah ee difaaca hawada S-300 uu siinayo ciidamada Suuriya.
Go’aankan ayaa ka danbeeyay markii diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay sababeen in ciidamada difaaca cirka Suuriya soo ridaan diyaarad milateri oo Ruushku leeyahay, iyadoo isku qariyey diyaaradaasi, kadibna gantaal loo waday diyaaradaha Israa’iil uu ku dhacay diyaaradda Ruushka, taasoo keentay inuu xumaado xiriirka Ruushka iyo Yuhuudda.
Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga digay in madaxwayne Putin inuu Gantaalahaasi siiyo waxa uu ugu yeeray dalal aan masuuliyad qaadi karin o halis ku ah Amniga Israa’iil, wuxuuna u dooday haddii arrintaasi dhacdo ay gobolka ka dhigi karto meel halis ah.
Gantaaladan oo ah nooca S-300 ee lidka diyaaradaha ayaa lagu wadaa in Suuriya la geeyo muddo labo toddobaad gudahood ah. Waxayna gantaallahan awood u leeyihiin inay ka toogtaan diyaaradaha meel u jirta 250 KM.
Aqalka Kremlin ayaa sheegay in Mr Putin uu carabka ku adkeeyay go’aanka Ruushka ee ah in Israa’iil ay si dadban ugu lug lahayd dhacdadani. Israa’iil ayaa dhawr jeer oo hore lagu eedeeyay inay duqeyn la bartilmaameedsatay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya.
Ruushka ayaa ah saaxibka ugu dhaw ee madaxwayne Suuriya Bishar Al-assad. Militariga Ruushka ayaa saldhigyo ciidamada cirka ay leeyihiin ka hirgaliyay Suuriya halkaasi oo ay diyaaradaha Ruushka ka qaadaan weerarada.