Iyadoo uu sii xoogeysanayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay dunida oo dhan ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhay xaalado cusub oo aan hore loo arag.
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ku dhawaaqay in dhammaan dadka dalkaasi la geliyey xaalad caafimaad oo degdeg ah, iyadoo la amray inay guryahooda joogaan, waxaana gebi ahaan la joojiyey is imaanshaha dadka oo ay ku jiraan ciyaaraha, iyadoo la joojiyey ciyaarihii horyaalka dalkaasi ee Seira A-da.
Ddka uu cudurka Coronavirus ee COVID-19 ku dhacay dalka Talyaaniga ayaa sare u dhaafay 9000 qof, waxaana dalkaasi ugu dhintay 463 qof, taasoo keentay in lasii xoojiyo dadaalada lagu doonayo in looga hartago faafida cudurkan.
Dhinaca kale Wasirka dhaqanka Faransiiska Franck Riester ayaa laga helay Coronavirus, waxaana la sheegay in la karaantiilay oo xaaladiisuna ay degan tahay. Dalka Faransiiska ayaa waxaa hadda qaba cudurka Corona dad gaaraya 1412 iyadoo ay u dhinteen 30 qof.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la shaki laga muujiyey xaaladiisa iyadoo aan baaritaan lagu sameyn, kadib markii mudanayaal ka tirsan Koongareeska dalkaasi oo uu salaamay Trump ay is karaantiileen markii la ogaaday inay ka qeyb galeen xaflad ka dhacday dalkaasi oo dad qaba cudurkaasina ay ka qeyb galeen.
Afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa sheegay in Madaxweyne Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, mar haddii aanu dad looga shakisan yahay waqti badan la qaadan, laguna arkin calaamado muujinaya cudurka, xaaladiisuna ay wanaagsan tahay oo dhaqaatiirt ay isha ku hayaan.