Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay lacago fara badan oo malaayiin doolar ah ay ka heshay Koronto ay u dhoofisay dalalka Jabuuti iyo Suudaan.
Dowlada Itoobiya waxay sheegtay in 10-kii bilood ee ugu danbeysay ay adeegga korontada loo dhoofiyay dalalka Jabuuti iyo Suudaan ka heshay lacag dhan 165 Milyan oo Doolar.
Wasaaradda Biyaha iyo Korontada Itoobiya ayaa laga soo xigtay in Itoobiya ay qorsheysatay in 200 Milyan oo doolar ay ka hesho korontada ay u dhoofiso dibadda, taasoo hadda noqotay yool ay aad ugu dhowdagay inay gaarto Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya inay jiraan dalal kale oo doonaya inay Koronto ka helaan Itoobiya, waxaana ka mida dalalka Kenya iyo Tanzania.
Heshiis koronta xaddigeedu gaarayo 400 MW ayaa dhex maray Itoobiya, Tanzania iyo Tanzania. Biyo xireenka Itoobiya ee Renaissance oo ah kan ugu weyn qaaradda Afrika ayaa la filayaa inuu dhaliyo awood koronto oo dh 6,400MW.
Itoobiya ayaa noqotay dalka gobolka ugu weyn ee dhaliya awoodda korontada isagoo adeegsada mashaariic, hawada, biyo xireenada iyo dabeysha loo dhalinayo awoodda korontada.
Goobjooge.com