Ciidamada Itoobiya ayaa gobolada Bay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ka wada tababar ciidamo la sheegay inay noqonayaan Daraawiishta Maamulka K/Galbeed, iyadoo ciidamadan ay yihiin qaar cusub oo loo dhisayo maamulka uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Geesey goobaha tababarka ciidamadan ka socdo waxaa ka mida degmooyinka Qansaxdheere, Berdaale iyo Buurhakaba, waxaa degmooyinkaasi laga dhisay xer cusub oo lagu xareeyay ciidamadan tababarku u socdo.
Tirada ciidamada tababarka ku jira ayaa hadda ku dhow 1000 askari, waxaana lagu wadaa inay sii kordhaan muddooyinka soo socda. Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa wada howsha tababata ciidamada cusub ee daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]