Monday, July 7, 2025

Itoobiya oo qiratay in kumanaan ciidamo sharci darro ah ka joogeen Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay qiratay inay ciidamo sharci darro ah oo ka baxday ciidamada ka mida AMISOM ay ka howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya Getachew Reda, sheegay in ciidamada uu  dalkiisa kala baxayo koonfurta Soomaaliya aysan ka mid ahayn  AMISOM.

getacheweda
Wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya Getachew Reda

Wuxuu sheegay in askar gaareysa 200 askari oo ka mida AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya, balse dhowr kun  askari oo sida uu sheegay caawinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka ah ee dagaalka kula jira Alshabab ay la bixi doonaan.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya wuxuu sheegay in ciidamadii ay kala bexeen degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ay ahaayeen kuwa aan ka mid ahayn AMISOM.

Lama oga qaabkii ay ciidamada Itoobiya ee kumanaanka ah ku joogeen Soomaaliya iyo sharciga ay ku galeen dalkaasi oo ah mid madax bannaan, laakiin waxaa cad in Itoobiya ay hadda qasab ku noqotay 4 sano kadib inay la baxdo ciidamadeeda.

Itoobiya oo kacdoon gudaha dalkeeda uga furan yahay Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa u baahatay ciidamadeeda ka joogay Soomaaliya si ay u dhaqan geliso xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay dalka Itoobiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON