Monday, July 14, 2025

Itoobiya oo wajaheysa mustaqbal Madow [Sidee u kala badan yihiin Qowmiyadaha Itoobiya?]

Bannaanbaxyo waaweyn oo dalka Itoobiya ka dhacay Axaddii, ayna ka qeybqaateen kumannaanka ruux ee ku noo  magaalada Gondar ee gobolka Amxaarada ayaa noqday tusaale naadir ah oo loo soo qaadan karo mudaharaadyada dalkaasi ka dhacaya ee dawladda lagaga soo horjeedo.

Bannaabaxa ayaa laga abaabulay baraha bulshada xiriirto,  balse kooxina ma aysan sheeganin masuuliyadda dibadbaxaas oo imaanaya laba todobaad kaddib markii uu isla magaaladaas ka dhacay mudaharaad ay ku dhinteen 15 ruux kuwaas oo isugu jiray shacab iyo laamaha ammaanka.

Mudaharaadyadan u dambeeyay waxay salka ku hayaan kaddib markii bulshada Amxaarada Welkait oo hadda hoostagta gobolka Tigray ay dalbadeen  in dhulkooda la hoosgeeyo maalmulka gobolka Amxaarada oo aysan dooneynin inay hoos tagaan Tigreega.

Amxaarada ayaa dalka soo maamuli jirtay, luuqadooda ayaana ilaa iyo hadda ah mid laga isticmaalo dalka Itoobiya intiisa badan, waana qowmiyada labaad ee ugu badan Itoobiya. Oromada oo ah qowmiyada koowaad ayaa iyaduna bannaanbaxyo rabshado wada ka dhigtay dhowaan.

Macalim Culuumta Siyaasadda dhiga oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay wajaheyso mustaqbal aan caddeyn, haddii ay qaban weyso doroasho xor iyo caddaalad ah.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ay qabanayaan dibadbax ay ku baaqayaan in is-beddel lagu sameeyo dowladda, sababta oo ah caddaalad darro ka jirta qeybinta kheyraadka dalka.

Getachew Metaferia, oo ka tirsan jaamacadda Morgan State University ayaa sheegay in sababta banaanbaxyada Gonder iyo kuwii sanadkiii hore ee gobolka Oromada ay qeyb ka yihiin nidaamka Federaalka ee Ethiopia iyo xaaladda dimoqraadiyadda Ethiopia oo sii xumaaneysa.

SIDA AY U KALA BADAN YIHIIN QOWMIYADAHA ITOOBIYA

  • Oromo – 34.4%
  • Amxaaro – 27%
  • Soomaali – 6.2%
  • Tigray – 6.1%
  • Sidama – 4%
  • Gurage – 2.5%
  • Inta kale -19.8%

Xigasho (CIA World Factbook) qiimayntaas waxaa la sameeyay sanadkii 2007-dii

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON