Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa lasoo sheegay inay xiisad ka taagan tahay kadib markii magaalada lagu dilay
labo nin oo Itoobiyaan ah oo midkood yahay sarkaal ciidan.
Dabley aan la aqoonsan ayaa dilkan geysatay, wuxuuna ka dhacay dhinaca koonfureed ee xuduuda Itoobiya. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dabley Alshabaab ah ay dilka geysteen, halka warar kale sheegayaan in dilka ay geysteen dabley rayid ah oo reer Buuhoodle ah.
Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay inuu midkood yahay sarkaal katirsan ciidamada Itoobiya ee ilalada xuduuda qabalaha shaxda, kaasoo Soomaalidu u taqaanay Canbe. Wararka ahaa sheegaya in sarkaalka uu sidoo kale iibin jiray Khamriga.
Waxaa hakad galay isu socodka Gaadiidka labada dhinac, waxaana magaalada lagasoo sheegayaa inay ka jirto cabsi xoog leh oo laga baqayo aargudasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya.
Goobjooge.com